Shaqaale Samafalayaal ah oo lagu afduubtay Gobolka Hiiraan

Wararka ka imanaya gobolka Hiraan ayaa sheegaya in koox hubeysan ay maanta ka afduubtay meel qiyaastii 10 KM u jirta magaalada Baledweyne shaqaale ka tirsan ururka dhaqaatiirta Xanaanada Xoolaha Goballada Dhexe iyo nin darawal u ahaa.

Xubin ka mid ah Ururka dhaqaatiirta Xanaanada Xoolaha ee Gobalada Dhexe ayaa VOA sheegay in ragga la afduubtay oo tiradoodu ay gaareyso ilaa shan qof ay isugu jiraan dhakhtar dhinaca xoolaha ah, kalkaaliye caafimaad, laba arday iyo darawal.

Wali lama sheegin kooxda qafaalatay dadkan laakiin degaanka uu afduubka ka dhacay ayaa waxaa uu ka mid yahay deegaanada ay kooxda Al-Shabab ka taliso.

Shaqaalaha ayaa degaanka u tagay in ay ka bixiyaan adeeg caafimaad.

War ay goor dhow VOA-du hayshay ayaa sheegay in dhamaan dadkii laga qafaashay deegaanka Caloola cad la geeyay deegaanka Luuq Jeelow oo qiyaastii 30 KM Baledweyne u jira.