Video:-Qaraxii maanta ee Muqdisho oo ay ku geeriyoodeen Todobo qof

Ugu yaraan 6 qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay qarax gaari oo barqonimadii maanta lala beegsaday maqaayad ku taalla degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho.

 Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in ilaa hadda la hubo in qaraxan ay ku dhinteen 6 qof.

“Dhimashada aan xaqiijinnay waa 6 qof, dhaawacuna waa ilaa 10 qof, sidoo kale waaa jira burbur xooggan oo soo gaaray maqaayadda la weeraray, guri ku dhegganaa iyo gaadiid goobta ka dhowaa” ayuu yiri wasiir Yariisow.

Wasiirka ayaa uga mahad celiyay ciidammada ammaanka gurmadkii ay u fidiyeen dadkii waxyeelladu ka soo gaartay qaraxan argagixiso,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka