Ciidamada dawlada fadaraalka oo Alshabaab ka qabsaday Deegaamo ku yaal Sh.Hoose

Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya ayaa waxa ay kala wareegeen Maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ilaa Afar Tuulo oo hoos tagto Degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

 Korneyl Daahir Maxamed Faarax (Kumaandoos) oo u waramayey Radio Muqdisho ayaa sheegay in tuulooyinka ay gacanta ku dhigeen ay ka mid yihiin Kibile , waagaale iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha ayaa xusay in ay weli ku daba jiraan Maleeshiyaadkii ay ka ceyriyeen deegaanadaasi asaga oo  xusay in ay jiraan dagaalo yar yar oo kaga imaanayo dhanka Maleeshiyaadka Alshabaab balse waxa uu sheegay in dhamaan xoog ku jiiri Doonaan.

Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliya ayaa u muuqdo in ay durbaba bilaabeen ka jawaab celinta Dalabkii Wasiirka gaashaandhiga ee ahaa in Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya looga Fadhiyo in ay Furaan dhamaan Wadooyinka ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Al-shabaab si dadka abaaraha Saameeyeen Gargaar loo gaarsiiyo.