Maraykanka oo canbaareeyay Suntii Kiimikada ahayd ee loo adeegsaday shacabka Suuriya

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa cambaareeyay dadka shacabka ah ee lagu laayay waqooyiga Suuriya kuwaas oo ay u muuqato in lagu weeraray hub kiimiko ah oo ay gaysteen diyaaradaha dagaalka ee Suuriya.

Arrintaasi waxay “waxyeelo ku tahay ban-adamnimada” ayuu yiri Trump, wuxuuna intaas ku daray in “marka aad disho carruur aan waxba galabsanin, dhallaan aan dhib gaysanin iyo ilmo yaryar in markaas laga talaabay xariijimo badan.

Trump ma uusan soo hadal qaadin Ruushka oo ah rafiiqa Suuriya kaas oo sheegay in laga yaabo in ay dhibaaatadan ka dhalatay kiimikooyin ku jiray gacmaha jabhadaha.

Laakiin danjiraha Maraykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa Ruushka ku eedaysay in uu dadayo dawladda Suuriya.