Reer Galbeedka iyo xulufadooda oo si adag u canbaareeyay weerarkii sunta ee Suuriya

Dowladaha Britain, France iyo Mareykanka ayaa si xoog leh u cambaareeyey Dowlada Ruushka inti lagu guda jiray kulan deg deg ah oo uu Golaga Amaanka eeQM gelinki danbe ee shalay ka yeeshay arrinta hubka kiimikada ee loo adeegsaday dadka rayidka ah ee Suuriya.

Dowladahan ayaa ku eedeeyey Ruushka taageerada uu siinayo madaxweynaha Suuriya iyo Dowladadiisa oo hada lagu eedeynayo in ay ka danbeeyaan adeegsiga hubka kiimakada ah ee Talaadadi lagu laayey dad rayid ah.

Weerarka oo ka dhacay degmada ay ku badanyihiin mucaaradka ee Khan Sheikhoun, ee ku taalla gobolka Idlib ayaa waxaa lagu dilay tobaneeyo ruux oo u badnaa caruur, arrintaasi ayaa dhalisay qeyladhaan kasoo yeeray dhamaan bulshada caalamka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo boqorka dalka Urdun, boqor Cabdalla oo Arbacadi si wada jir ah shir jaraa,id ugu qabtay magaaladan Washington ayaa cambaareeyey weerarka kiimiko ee lagu laayey dadka rayid ah.

Dowlada Ruushka ayaa aslanba inkiray inay door ka ciyaartay weerarka, iyada oo ku eedeysay in sunta ay ka dhalatay diyaaradaha dagaalka Suuriya oo duqeeyey makhaaziin ay mucaaradka kiimiko ku keydiyeen.

Dowlada Suuriya ayaa iyadana dhowr jeer ku celcelisay in aysan ka danbeeyn weerarkaasi.