Video+Sawiro:-Madaxweyne farmaajo oo xilkii ka qaaday talyayaashii Ciidamada iyo Gudoomiyihii G.Banaadir

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa digreeto ka soo baxday xafiiskiisa lagu magacaabay taliyeyaal iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir.

 

 

Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa loo magacaabay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo horay isaga xilkan u soo qabtay.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka waxaa loo magacaabay Jeneraal Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid, halka Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Jen, C/llaahi Cali Caanood.

 

 

Taliyaha ciidanka Booliska waxaa loo magacaabay Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid oo isagu horey u soo qabtay xilkan

 

 

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Taabid Cabdi oo ahaa Safiir kuxigeenka Soomaaliya ee Mareykanka, horayna u soo noqday Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka