Maxaa kala socotaa khatarta Takfiirka ee Puntland

Puntland ayaa ururkan waxuu ku leeyahay xaafiis qarsoon iyo xubno abaabulan oo isku xiran.
Takfiir Al Saadicuun Bil-Xaq Xubnaha Ururkan Ku jira intooda badan waa Ragii loo yaqaanay Al-takfiir wal-hijrah iyo Takfiir Jawi — Oo Macnaheeda yahay Gaaleysiin iyo Hijrah ama Takfiirka is qariya. Afkaarta ay ku soo bandhigeen bayaanaatkooda waxay u egyihiin isla afkaartii lagu tuhunsanaa ragaan hadda ku dhawaaqay Ururka, laakiin marar badan ay inkiri jireen in afkaartaan ey qabaan ama ka amuusi jireen — marka lagu tuhmo aragtiyadahaas oo qayb ahaan ah gaalaysiinta mujtamaca muslimka ah.
 
Hadaba waa muhiim in laga hortago oo si dhab ah dawladu talaabo uga qaado.
 
Waxaa mudan in lagu dhaqaaqo baadigoobka ama qabashada xubnaha ururkan ee Puntland.
 
Sidoo kale in gacanta lagu dhigo dhalinyaro tira badan oo ay maskaxdooda khaldeen iyaduna waa talaabo kale oo loo baahan yahay.
 
Waxaa iyagana masuuliyad xoog leh saaran tahay oo waajib ay ku tahay in ay ka hawlgalaan oo bulshada uga digaan khatarta kooxdan Culumada Puntland.
 
Waxaa hubaal ah hadaan maanta laga hawlgalin in ay imaan doonto maalin aan waxba laga qaban karin.
 
Takfiir Al Saadicuun Bil-Xaq waa ka khatar badan yihiin haday siix oogaystaan Alshabaabka maanta loo taag waayay.
Halkan ka daalaco sawirada iyo magacyada xubnaha kooxdaas ee Puntland:-