Video:-Wasiir Juxaa iyo wafti uu hogaaminayo oo gaaray Cadaado

Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxa) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Cadaado.

Juxa oo ay socdaalkiisa ku weheliyaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda fadaraalka, ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay madaxda maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado.

Ujeeddada Safarka Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo arrimo la xiriiro doorashooyinka madaxtinimo ee maamulkaas oo dhawaan la filayo iney halkaasi ka dhacdo,hoos ka daawo muuqaalka.

 

Halkan ka daawo muuqaalka