Video:-Weerarkii Maraykanka ee Siiriya oo muran xoog leh ka dhex dhaliyay quwadaha waa weyn

Maraykanka ayaa sheegay inuu qaadi karo talaabooyin militeri oo dheeraad ah oo ka dhan ah Suuriya, ka dib gantaalihii lagu riday saldhig ciidanka cirka ee Suuriya uu leeyahay, kaasoo Washington ay rumaysan tahay in laga qaaday weerar hub kiimiko ah loo adeegsaday,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 

Ayadoo ka hadlaysay fadhi degdeg ah oo uu yeeshay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, ayey safiiradda Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay, Nikki Haley, waxay sheegtay in Washington ay qaadday talaabooyin qiyaasan, laakinse ay diyaar u tahay kuwo kale oo dheeraad ah, inkastoo ay rajaysay inaysan lama huraan noqon doonin.

Ku xigeenka safiirka Ruushka ee Qaramada Midoobay, Vladimir Safnonkov, ayaa talaabadii uu Maraykanku qaaday ku tilmaamay xadgudub cad oo lagu sameeyey shuruucda caalamiga ah, kuwaasoo cawaaqib ba’an ku yeelan kara gobolka,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka 2aad

 

Ruushku wuxuu sheegay inuu joojinayo heshiiskii uu Maraykanka kula jiray ee ahaa in laga hortago isku dhac kama’ ah oo dayaaradahooda ku dhex mara Suuriya.

Laakinse Pentagon-ka ayaa arrintaas beeniyey, isagoo sheegay in weli marinnada lagu wada hadlo ay furan yihiin,hoos ka daawo muuqaalka,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ak daawo muuqaalka 3aad