Gaafoow oo xilkii maanta si rasmiya ugu wareejiyay Sanbalooshe

Munaasabadaan uu xilka kula wareegayey Taliyaha Cusub ee Ha’yadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa waxaa ka qeyb galey Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka, avv Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Amniga gudaha, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale)  iyo ku Xigeenkiisa, Taliyayaasha Hogaanadda Ha’yadda iyo Saraakiil kale.

 Taliyihi hore ee hey’adda Sirdoonka Soomaalia Janaraal Cabdullahi Gaafow Maxamuud, ayaa ugu horeyn taliyaha cusub ku wareejiyey Documentiyo muujinaya xogaha iyo warbixino la xiriira shaqada hay’adda NISA, isagoo sheegay in xiligan ciidanka nabad sugiddu ay hayaan howl adag oo ahmiyad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed.

Taliyaha Cusub ee ha’yadda Nabadsugida iyo sirdoonka soomaalia C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa mahad celin kadib waxaa uu balan qaaday in kor u qaadis iyo horumarin uu ku sameyn doono shaqada qaranku uu u wakiishay.

Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaalia Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo isna munaasabada xil wareejinta ah hadal kooban ka jeediyey ayaa taliyaha cusub ee  Sirdoonka Soomaalia u sheegey iney hortaalo shaqo culus loogana fadhiyo inuu kabaha la ilado Kooxda Al-shabaab ee qaraxyadda dhiiga shacabka ku baneystay.

Ra’isul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaalia Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka sheekeeyey ahmiyadda Sirdoonku u leeyihiin nabad galyadda dal walba, dar daaran gaar ah ayuuna siiyey taliyaha cusub iyo ciidamadda hay’adda NISA.