Masuuliyiinta Hay’ada Qandaraasyo bixinta Puntland oo looga yeeray Xaafiiska la dagaalanka Musuqmaasuqa

Xafiiska La dagaalanka Musuqmaasuqa Puntland ayaa u yeeray Masuuliyiinta Hay’adda Qandaraas bixinta u qaabilsan dowladda Puntland, waxaana wax laga waydiinaya Musuqmaasuq iyo Maamul xumo.

Raga Loo yeeray waxaa ka mid ahaa Ibraahim Axmed Cumar oo ah gudoomiyaha , Axmed Khaliif Gudoomiye ku xigeenka , Isxaaq Shiikh Cabdisalaan Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyada iyo Cabdiqani Faarax Dhaashane xoghayaha Guddiga qandaraasyada oo ku maqan magaaladda Dubai.

Sida ku Xusan Warqad ka Baxday Xafiiska Hay’adda La Dagaalanka Musuqmaasuqa Puntland, waxaa masuuliyiinta
wax laga waydiin doonaa Musuqmaasuq iyo Maamulo xumo.

Cilmo-baaris la xiriirta Musuqmaasuqa oo ay soo saartay Jaamacada PSU sanadkii hore ayaa lagu sheegay in Musuqmaasuq baahsan uu ka jiro Hay’adda dowladda u Qaabilsan Qandaraas bixinta.

 

 

Halkan ka akhriso:-