Sawiro:-Rw Khayre oo maanta Xaafiiskiisa ku qaabilay safiirada Qatar iyo Norway

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay wehliso Wasiirka  Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa kulan muhiim ah la yeeshay  wafdi ka socday Dowladda Qatar oo uu hogaaminayey Sheekh Xamed Bin Fahad  Al Thani oo ka mid ah qoyska boqortooyadda dalkaasi,  Safiirka Qatar ee Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka tirsan  hay’adda gargaarka ee Qatar charity.

 

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dalbaday in ay laba labaan howlaha gurmadka abaaraha  isla markaana ay dowladdu dhiiri gelinayso cid kasta oo ka qayb qaadanaysa gurmadka abaaraha.

 

 

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre waxa uu kulan gaar ah xifiiskiisa  kula qaatay  safiirka dowladda Norway u jooga Soomaaliya, waxa uuna kala hadlay siidi dowladda Norway ay u dar-dar galin lahayd mashariicda horumarineed ay dalka ka hirgeliso, adkaynta xariirka labada dal iyo in ay ka qayb qaadato Gurmadka abaaraha ee lagu bad-baadinayo dadka ay saamaysay abaaraha ka jira xiligaan dalkeena .

Dowladda Norway mashaaricda horumarineed ay ka hirgelisay Soomaaliya waxa ka mid ah Nalalka Cadceedda ku shaqeeya oo ka hirgelisay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka.