Dhagayso:-Safiir Cawad ”Maraykanka wuxuu igu wargaliyay soo celinta Soomaali 4000 gaaraysa”

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka maraykanka Axmed Ciise Cawad  ayaa sheegay in dowladda maraykanka  ay waddo qorshe dalkeeda ay uga musaafurineyso Soomaali gaaraysa 4’000″  afar kun oo ruux oo soomaali ah.

 Safiirka ayaa sheegay  in Dowladda Maraykanka ay waddo qorshayaal dalkeeda ay uga soo celineyso dadka Soomaaliyeed ee mudda ku noolaa dalkaas.

“Waxaa jira dad hadda ku sugan goobaha laga diiwaan geliyo dadka la musaafurinayo oo gaaraya 300 oo soomaali ah kuwaas oo sugaya in dalkooda dib loogu soo celiyo waxaa kaloo jira howlgalkii ugu dambeeyay ee hay’adaha  Socdaalka in lagu soo qabtay dad gaarayay 80 ruux oo uu ku jiro nin Soomaali ah” Ayuu yiri  Safiir Axmed Ciise Cawad,hoos ka dhagayso codka safiirka.

 

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka safiirka