Madaxweyne farmaajo iyo waftigisii oo gaaray imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Galabta u dhoofay Wadanka Isku Tagga Imaaraadka Carabta,waxaana Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku sii sagootiyay Madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
 
Madaxweynaha iyo waftigsii ayaa hada wararku waxay hseegayaan in ay gaareen Abu Dhabi,iyadoo halkaas ay kusoo dhaweeyeen madax sare oo ka tirsan Dawlada Imaaraadka Carabta.
 
Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato Madaxda Wadanka Imaaraadka Carabta..
 
Kulanka Madaxweynaha iyo madaxda dalkaas ayaa la filayaa in ay uga wada xaajoodaan arimo ay ugu waa weyn yihiin:-
 
A.Faragelinta Imaaraadka arimaha somaliya.
 
B.Amniga.
 
C.Arrimaha dekedaha.
 
D.Maalgashiga
 
 Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya in isaga loosoo maro arimaha Soomaaliya.
 
Madaxweynaha ayaa socdaalkisii ugu horeeyay oo uu dalka dibada uga baxo waxuu ku tagay dalka sacuudiga,waxuuna ugu gudbiyay cabasho ka dhan ah dawlada Imaaraadka Carabta ,taasoo ku aadanayd waxa uu arko Farmaajo faragalinta arimaha Somaliya ee Dawlada Imaaaraadka carabta.
 
Warar Madax banaan oo ay helayso idilnews ayaa tibaaxaya in Dawlada Sacuudiga ka shaqaysay isku soo dhawaanshaha labada dhinac,isla markaana soo dhamaysay casuumad ay dawlada imaaraadku ufidiso Madaxweyne farmaajo.