Maraykanka oo maraakiib dagaal usoo diray jasiirad-lamoodka Kuuriya

Iyadoo uu isa soo tarayo walaaca laga qabo barnaamijka gantaalaha Kuuriyada Woqooyi, ayaa taliska ciidamadda Maraykanku amar ku siiyey raxan maraakiibta nooca weerarka ah in ay u ruqaansadaan jasiirad-lamoodka Kuuriya.

Raxanta oo la yidhaa Carl Vinson ayaa ka kooban maraakiibta dagaalka iyo kuwa dayuuradaha xambaara.

Taliska ciidamada Maraykanka ee gobolka Pacifi-ga ayaa hawl gelinta ciidankan haatan ku sii jeeda dhinaca galbeed ee badweynta Pacifi-ga, ku tilmaamay talaabo laga maarmaan ah oo suurto galinaysa in uu heegan ahaado ciidankooda gobolka ku sugani.

Madaxweyne Trump ayaa hore u sheegay in Maraykanku diyaar u yahay in uu keligii u babac dhigo khatarta nukliyeerka ee ka iman karta Kuuriyada Woqooyi.

“Khatarta koowaad ee gobolka ka jirtaa waa ta ka iman karta Kuuriyada Woqooyi sababtuna waa xilkasnimo darrada iyo masuuliyad darradeeda, barnaamijkeeda tijaabinta gantaalaha iyo damaceeda ah in ay yeelato awood nukliyeer” ayuu yidhi, Dave Benham, oo ah af-hayeenka taliska ciidamada Maraykanka ee gobolka Pacifi-ga.