Qarax ismiidaamin ah oo goor dhaw lala eegtay talyaha cusub ee Milatariga Fadaraalka

Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay meel ku dhow Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray kolonyo ciidan oo ay la socdeen Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda.

Dad goobjoog ahaa ayaa sheegay in ay halkaa ku dhinteen ugu yaraan lix qof todoba kalena ku dhaawacmeen.

Taliyaha cusub ee Ciidamada xoogga dalka Jen. Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa ka bad baaday isku dayga dil, kaddib markii weerar ismiidaamin ah lagu qaaday kolonyo uu la socday.

Sida ay sheegayaan wararka gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay qof naftii hure ah ayaa ku dhiftay gaariga uu saarnaa Taliyaha oo ahaa kuwa aan xabadaha karin.

Kolonyada uu la socday Jen. Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa ka soo baxay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, waxaana lagu weeraray inta u dhaxeysa xarunta Wasaaradda iyo Kulyaddii Jaalle Siyaad.

Qaraxa ayaa dhacay, wax yar kaddib markii Kolonyada Taliyaha ay ka soo baxday Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaasoo ay ka dhacday Munaasabada xil wareejinta Taliyaha cusub iyo Abaanduulaha cusub ee ciidanka xoogga dalka.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay inuu bad qabo Taliyaha ciidamada xoogga dalka, isla markaana aanu waxba soo gaarin.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ilaaladiisa ay ku dhinteen, waxaana jira dad kale oo rayid ah oo wadada marayay oo iyana dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay.

Uuro iyo qiic ayaa laga arkayay goobta qaraxa ka dhacay oo ku dhoweyd xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.