Ra’isalwasaare Khayre oo soo saaray xiliga shaqaalaha dawlada

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa wareegto ku soo saaray xilliga shaqaalaha dowladda ay shaqada soo gelayaan kana baxayaan.

Wareegto ka soo baxay xafiiska Wasiirka koowaad ayaa lagu faray in dhammaan shaqaalaha dowladda ay isbuucii shaqeeyaan 48 saacadood, iyadoo maalin waliba ay shaqada soo gelayaan 8:00 subaxnimo ayna ka baxayaan 04:30 Galabnimo.

Maalinta Khamiista ayaa shaqaalah loo sheegay inay shaqada ka baxayaan 01:30 Duhurnimo, sida uu qabo xeerka shaqaalaha Lr. 11.