Wafti ay hogaaminayso Wasiirka Gargaarka oo gaaray Baydhabo

Wefti ay hoggaaminayso Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed oo ay kamid yihiin wafdi ka socday Dowladda Qatar oo uu hogaaminayey Sheekh Xamed Bin Fahad Al Thani oo ka mid ah qoyska boqortooyadda dalkaas iyo mas’uuliyiin kale ayaa gaaray magaalada Beydhaba ee Gobolka Baay.
 
Wafdiga ay hoggaamineyso wasiirka gargaarka iyo maaraynta Musiibooyinka ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxwenaha Dowlad Gobolleedka Koon fur Galbeed Soomaaliya iyagoo kawada hadlay ka shaqaynta sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay abaaruhu sameeyeen ee ku nool deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
 
Sidoo kale waxa ay wefdiga gaareen xiryaha dadka Barakacayaasha ah ee ku yaalla duleedka magaalada ee ka mid ah dadka ay abaaruhu saameeyeen iyagoo kormeeray xaaladda dadkaas.
 
Dhanka kale waxaa jira deeq dowladda Qadar ay u qeybin doonto qoysaska qaar.