Ma dhabaa in Madaxweyne farmaajo iyo masuuliyiinta imaaraadka is afagaran waayeen ?

Madaxweyne Farmaajo oo kulamo la qaatay madaxda Imaaraadka Carabta, ayaan ilaa iyo hada faah faahin laga hayn waxay kawada hadleen, inkastoo wakaalada wararka ee Imaaraadka carabta ay ku warantay in looga wada xaajooday kulankaas xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Imaaraadka u taageeri lahaa dowladda fadaraalka somaliya.
 
 
Madaxweyne farmaajo iyo waftigiisa ayaa la filayaa in maalmaha soo socda soo gabagabeeyaan kulamada ay la leeyihiin madaxda Imaaraadka Carabta.
 
Xogo hoose oo laga helayo ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in laysku afagaran waayay kulamadii dhacay ilaa iyo hada,sidoo kale la filayo in Madaxweyne farmaajo dib ugu laabto Muqdisho isagoon wax is afgarad ah la gaarin Dawlada Imaaraadka.
 
Inkastoo aan si rasmiya loo hayn qodobada laysku afgaran waayay hadana wararku waxay intaa ku darayaan in Madaxweyne Farmaajo iyo masuuliyiinta Imaaraadku markale kulmi doonaan oo ay iskugu soo laaban doonaan wada xaajood labaad,kaasoo aysan cadayn xiliga iyo meesha uu ka dhici doono kulankaas labaad.
 
Madaxweyne Farmaajo ayaa dadaal xoog leh ugu jira in uu beesha caalamka ku qanciyo in isaga looga danbeeyo loona soo maro wax alaale iyo waxii ku saabsan arimaha somaliya,madaama uu yahay madaxweynaha dawlada Fadaraalka.
 
Halka Beesha caalamka iyo dawlad Goboleedyada qaybta ka ah dawlada Fadaraalku ay fikirkaas kasoo horjeedaan una arkaan fudayd iyo qorshe wakhtigisii aan si dhab ah loo gaarin.
 
Soomaaliya ilaa iyo 26-kii sano ee lasoo dhaafay malahayn Dawlad dhexe oo xoog leh ,isla markaana hanata guud ahaan Dalka,
 
Dawlada Fadaraalka ah ee xiligan ka talisa Villa Somaliya ayaan wali hanan kalsoonida guud ahaan Somalida,waxayna la kacaa kufaysaa xasilinta iyo gacanta ku qabashada maamulka iyo amniga caasimada dhibka badan ee Muqdisho
 
Qorshaha Madaxweyne Farmaajo ayaa la oran karaa waa laablakac aan ku salaysnayn waaqiciga Somaliya,dawlada uu hogaamiyo xiligan ayaa u baahan tahay oo kaliya in ay wakhti iyo dadaal xoog leh galiso isku soo dhawaanshaha bulshada somaliyed iyo ku qancinta guud ahaan Somalida nidaamka fadhiya Villa Somaliya.
 
Qorhaha Madaxweyne Farmajo ee fudaydku ka muuqdo waxuu abuuri kara fashil deg-deg ah iyo dib u dhac kale oo ku yimaada dawladnimada Somaliya ee hada dib u bilawday in ay tukubto.