Video:-Kooxo ka mid ah horyaalka kubada cagta Puntland oo iskaga baxay horyaalkaas

 

Halkan ka akhriso war Saxafadeedka:-

 

Ku: Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland Garoowe

Ku: Agaasimaha Dhaliyarada iyo ciyaarah Puntland Garoowe

Ku: Wasiirka Wasaaradda Sh, Sh, Dh iyo Ciyaarah Puntland Garoowe

Og: Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Fadhigooda

Og: Gudoomiyaha dhalinyarada iyo Ciyaarah G.Mudug Gaalkacyo

Og: Gudoomiyaha Gobolka Mudug Gaalkacyo

Og: Gudoomiyaha Dagamada Gaalkacyo Gaalkacyo

Ujeedo: War galin.

Anagoo ah kooxaha heerka koowaad ee Puntland oo kala ah, Comed Fc, Hombobor Fc iyo Somtel Fc, anaga oo tix galinaya xeerka uyaal koobka Horyaalka Puntland, sidoo kalana ilaalinaya Nidaamka Koobka, waxaan gaareen Go’aan.

Kadib markii ay arkeen sida loogu tuntay Xeerkii u yaalay Koobka ee ay saxiixeen kooxuhu, iyada oo looggu danaynayo koox gooni ah, waxaana la jabiyey Qodobadaan

Qodobka 6aa:- Farqadda F iyo H , Qodobka 14aad – Diidid Ciyaar: dhamaan Farqadihiisa, Qodobka 20 aad: Dhamaantiis, Qodobka 26aad: Farqadihiisa B iyo Kh

Qodobka 27aad: Far qadihiisa T iyo J, Qodobka 29aad: Farqadda B tirsiga iii, Qodobka 30 aad iyo Qodobka 31 aad

Kadib markii ay arkeen sida loogu tuntay dhamaan xuquuqdiiay lahaayeen 3 kooxood ee Gobolka Mudug.

kadib markii ay usoo baxday Gaashaan buur isku xiran oo u olo olaynaysa hal Kooxo gooni ah, kuwaas oo kala ah,Wasiirka C/raxmaan Shiikhn, Agaasime Axmed Tigaana, Gudoomiye xigeenka XKCS C/laahi Shiikh, Gudoomiyaha XKCP Mustaf Majacas, aysanna jirin cid dhex dhexaad ka ah Koobkaan, oo la isku halayn karo.

Sidaasi darteed, anagoo ah Sadexda kooxood ee kor kuxusan, waxaa ay go’aan sanay in aan Hakinno kasii mid ahaanshaha horyaalka Puntland, inta laga helayo ku dhaqanka Saxdaa ee xeerka iyo shuruucda ay saxiixeen kooxuhu, ayna Kooxu helayaan xuquuq Cadaaaladeed oo siman, Sidoo kalana La helayo cid dhex dhexaad ah oo lagu kalsoonaan karo.

 

 

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka