Video:-Maraykanka”Waxaan ku burburinay duqayntayadii Siiriya 20% diyaaradihii dagaalka ee Bishar Al Asad”

Duqeyntii uu Maraykanka uga jawaabayay weerarka laga shakisan yahay in loo adeegsaday kiimikada, ayaa waxaa ku burburay 20% diyaaradaha dagaalka ee Suuriya, sida ay sheegtay xukuumadda Washington.

Xoghayaha difaaca ee dalkaasi, James Mattis, ayaa sheegay “talo-xumo ay tahay haddii markale hubka kiimikada ah lagu adeegsado Suuriya”.

Suuriya ayaa beenisay in todobaadkii tegay ay weerar kiimiko ah ku qaaday degmada Khan Sheikhoun ee ay mucaaradka haystaan, halkaasoo ay ku dhinteen 89 qof.

Mr Mattis ayaa sheegay in “jawaab celinta xadidan” ay dhalisay in ay burburaan goobo shidaalka iyo rasaasta lagu keydiyo, difaaca cirka iyo weliba 20% diyaaradaha dagaalka ee Suuriya.”

Waxa uu intaa ku daray in “dowladda Suuriya aanay hadda lahayn awood ay shidaal iyo gantaalo uga qaadato garoonka diyaaradaha ee Shayrat.”

Waddamada G7 ayaa kulan ku leh dalka Talyaaniga, waxaana ay ka xaajoonayaan sidii ay Ruushka ugu qancin lahaayeen in uu faraha kala baxo Suuriya.

Maraykanka ayaa Khamiistii hore 59 gantaal oo nooca cruise-ka ah ku diray garoonka Shayray, maalin ka dib markii uu dhacay weerarka kiimikada loo adeegsaday,hoos ka daawo muuqaalka

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka