Video:-Qaybtii Somaliland ee Xisbiga dhawaan lagu dhawaaqay ee Takfiir oo Hargaysa lagu xirxiray

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa xabsiga dhigay saddex ka mid ah Kooxda Al-Saaddicuuna Bil-xaq ee dhawaan looga dhawaaqay dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.
 
Taliyaha Booliska Somaliland Cabdullahi Fadal Iimaan ayaa u sheegay warbaahinta in maxkamad ay go’aamisay in la soo xiro hoggaamiyayaasha kooxdan cusub qeybtooda ku sugan Hargeysa.
 
Koox-diimeedka cusub ayaa todobaadkii hore waxaa looga dhawaaqay dalal ay ka mid yihiin Masar, Soomaaliya, Kuweyd iyo Liibiya. Waana koox soo bandhigtay aragtiyo diineed oo aaminsan in Muslimiinta hadda jira ay ku sugan yihiin gaalnimo, loona baahanyahay in ay dib u islaamaan,hoos ka daawo muqaalka.

 

Halkan ka daawo muuqaalka