Dhuusamareeb iyo Cadaado oo maanta wada hadal xamar uga furmayo

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho wada hadalo uga furmaan Maamulka Gobolada dhexe ee ay tagaeeraan Culumada Ahlusuna iyo maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado.
 
Wada hadalada u furmaya Cadaado iyo Dhuusamareeb ,ayaa waxaa garwadeyn ka ah dowlada Fadaraalka Soomaaliya,iyadoo wada hadalada diirada lagu saari doono sidii ay u midoobi lahayeen labada dhinac.
 
Wada hadalada ayaa labada dhinac waxaa ukala matalaya Carabey iyo Madaxweyne Sh,Shaakir.
 
Wada hadaladan ayaa soconaya mudo 5 maalmood ah waxaa la doonayaa in xal looga gaaro kala aragti duwanaashaha labada dhinac.
 
Wada hadalada ayaa hadii ay guul iyo is afgarad ksuoo dilaadaan waxaa la filayaa in ay midoobaan oo ay dhacdo awood qaybsi rasmiya,iyagoo siku duubana ya wada doortaan hal madaxweyne oo wada matala.