Trump oo taageeray Gaashaanbuurta NATO badalayna aragtidiisi hore

Madaxweynaha dalkan Maraykanka Donald Trump ayaa arbacadii shalay ku dhawaaqay in isbahaysiga NATO uu yahay mid muhiimaddiisu ay weli taagan tahay.

Hadalkan ayuu sheegay xilli uu saddex bilood ka hor sheegay in Isbahaysiga NATO uu yahay mid xilli badan jiray oo aan u taagnayn inuu wax ka qabto muhiimadaha horyaalla qaarkood oo ay ka mid tahay difaacidda weerarada argagixiso.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in kulan uu kula qaatay aqalka cad ee dalkan Maraykanka, Xoghayaha isbahaysiga NATO, uu ahaa mid ay waxyaabo badan isla afgarteen oo ay ka mid tahay in NATO ay ka qayb qaadato la dagaallanka Argagixisada.

Trump ayaa ballanqaaday inuu la shaqeyn doono xubnaha NATO si loo xaliyo halisaha aamni ee dunida oo ay ku jirto xasilooni darrada bariga Ukraine iyo wax uu ugu yeeray “musiibada iminka ka dhaceysa Syria”.