Vedeo:-Bamka ugu weyn aduunka oo loo isticmaalay Afgaanistaan

Bamkan oo loo yaqaan “Hooyada bambada” GBU-43/B MOAB ayaa markii ugu horeeyay la tijaabiyay sanadkii 2003 balse si rasmi ah howlgal looguma isticmaalin.

Wasaarada Gaashaandigga Maraykanka ayaa sheegay in bamkan lagu ridey gobolka Nangarhar yahay bamkii ugu cuslaa ee abid la rido marka laga reebo bambooyinkii niyukliyerka ahaa ee lagu isticmaalay dagaalkii labaad ee dunida.

Weerarkan ayaa yimid kadib toddobaad markii lagu diley askari Maraykan ah oo ka mid ah ciidamo si gaar ah u tababaran  ee kula dagaalamaya ururka IS gobolka Nangarhar.

Bamkan oo culeyskiisu gaarayay 9,800kg dhererkiisuna 9m ayaa lagu tuuray degmada Achin iyadoo saraakiil u hadashay ciidamada Maraykanka ay sheegeen in meel sax ah lagu ridey bamka,hoos ka daawo muuqaalka.