Ciidamada Itoobiya ayaa maanta iskaga baxay Dhuusamareeb

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud oo ay hadda Maamulaan Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna ayaa sheegaya in Manata Ciidamadii ugu badnaa oo Itoobiyaan ah ay ka baxeen Xeryihii ay ka degenaayeen Magaalada.
 
Ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa isla Maanta ka gudbay Xadka Gobolka Galgaduud uu la leeyahay Itoobiya,waxaana Ciidamadu ay wateen Gaadiid Dagaal oo aad u fara badan.
Ciidanka Maanta ka Guuray Magaalada Dhuusamareeb ayaa ah kuwii Degenaa Magaalada,iyadoo Maalmihii dambe Ciidamada Itoobiyaanka ah ay wadeen Qorshe ay uga baxayaan Soomaaliya.
 
Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa laga dareemayaa Cabsi ku aadan in Shabaabka ku sugan Gobolka Galgaduud ay soo weeraraan Maadaama Ciidamadii Itoobiya intooda badan ay Magaalada ka baxeen