Laamaha Amaanka ee Dalka Kenya oo heegan sare la galiyay

Ammaanka dalka Kenya ayaa la adkeeyay inta lagu gudo jiro munaasabadaha Easterka iyadoo booliskana ay ka codsanayaan dadka inay taxadaraan oo wixii ay ka shakiyaana ay u soo sheegaan.

Warar ay qoreen saxaafada Kenya ayaa sheegaya in ay jirto cabsi laga qabo rag hore ay liiska argagaxisada ugu dartay dowlada Kenya kuwaasoo tababaro ku soo qaatay dalka Soomaaliya inay gudaha u soo galeen dalka Kenya ayna qorsheynayaan inay weeraro ka geystaan gudaha dalka Kenya.

Raggan oo sagaal ah ayaa sawiradooda la soo bandhigay waxaana la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin ururka Alshabaab.

Magacyada raggan ayaa lagu kala sheegay Habib Karongo oo loo yaqaan Jureyj, Juma Were, Mohamed Tajir, Abdullahi Jarso Kotola, Gufu Tari Gufu and Fuad Abubakar Manswab, Abubakar Abdikadir Abubakar,Issa Abdalla Kauni iyo Ahmed Said Omar.

Afhayeenka booliska Kenya George Kinoti ayaa sheegay in ay hayaan war ku saabsan in raggan ay la soo xiriireen qoysaskooda ayna doonayaan in ay dib ugu soo laabtaan dalka Kenya.

Afhayeenka ayaa si gaar ah  farta ugu fiiqay goobaha lagu cibaadeysto,baararka,boosteejooyinka basaska iyo tareenada laga raaco in ammaankooda si gaar ah loo ilaalin doono.

Dalka Kenya ayaa hore waxaa weeraro ugaga geystey ururka Alshabaab iyadoo sidoo kale ururka Alshabaab uu weeraro ku qaaday saldhigyada ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM ku leeyihiin gudaha Soomaaliya