Madaxweyne Axmed Madoobe oo gudoomay casuumada shirka London

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed islaam oo soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowlada ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Divid Concar.

 Kulankan oo ahaa kii u horreeyay oo ay yeeshan Madaxweynaha Jubbaland iyo Danjiraha Cusub ee UK ayaa looga hadlay Xaaladda abaaraha ee Soomaaliya gaar ahaana Jubbaland iyo sidii Dowladda Ingiriisku ay gacan uga gaysan lahayd gurmadyada socda, sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray Arrimaha ammaanka,  iyadoo Danjirahu Madaxweynaha Jubbaland uu ku ammaanay sida ay uga go’antahay in la burburiyo kooxaha Argagixisada ah ee dhibaatada ka wada Soomaaliya.

Dhinaca Siyaasadda ayay sidoo kale Mas’uuliyiintu ka wada hadleen sidii loo tageeri lahaa Dowladda cusub ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi “Farmaajo” waxaana uu Safiirku mar kale Jubbaland usoo gudbiyay codsiga dowladda Ingiriiska ee ah in ay ka soo qayb gasho Shirka Dhaqaalaha loogu yaboohayo Soomaaliya ee bilawga bisha soo socota ka furmaya Magaalada London.