Waa Calako,Sayid Maxamed Cabdille Xasan

Waa Calako

 

Waa calako meel yuurartiyo, cunug aan weynaane
Waa ciiryaamo roob da’ahayoo, ciiro iyo qiiqe
Waa baradho ceeriin ah iyo, xuubka caarada’e.

 

Cudud ma leh col kula weerar gala, ciidan iyo xooge
Inkastooy cid kuu soo diraan, waa cidloo kale’e
Caloosha iyo madaxay sidii, dumar cantuugaane
Maandhow cayaayirka iga daa, Carabi waa naage!

 

Sayid Maxamed Cabdille Xasan