Munaasabadii ay xilka kula kala wareegayeen Gudoomiyayaasha Gobolka Banaadir oo caawa socota

Xaflad Ballaaran oo xil wareejin ah ayaa caawa ka socota xarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho taasoo ay ka qeyb galayaan qeybaha bulshada.

Munaasabadan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa xilalka ku kala wareegaya guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo gudoomiyaha cusub ee dhowaan loo magacaabay maamulka gobolka Taabit Cabdi Maxamed.

Waxaa ka qeyb galaya munaasabad marti sharaf kala duwan iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya, waxaana sidoo kale lagu soo bandhigayaa waxqabadkii guddoomiyihii hore ee gobolka Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Waxaa sidoo kale laga jeedin doonaa xafladan khudbado kala duwan oo ku aadan xil wareejinta.
gudoomiyaha cusub ee dhowaan loo magacaabay maamulka gobolka Taabit Cabdi Maxamed ayaa maanta lagu soo wareejiyey xarumaha maamulka gobolka Banaadir iyo heyadaha hoos yimaada.