Video:-Madaxweyne Erdogan” Ku codeeya ”HAA”

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan,ayaa jeediyey khudbaddii gabagabada isu soo baxyadii ugu dambeeyey ee ku aadan aftida Axada dhacaysa ee ku aadan in isbadal ballaaran lagu sameeyo dastuurka taasi oo isaga siinaysa awooddo cusub.

Wuxuuu sheegay taageerayaasha in isbadalka uu keeni doono in Turkigu uga wareegayo Jamhuuriyada Baarlamaniga ah mid madaxtooyo , taasi oo uu sheegay inay wadanka ka dhigayso mid xoogan.

Wuxuu saadaaliyey in codeynta “Haa” ay Turkiga siinayso isku kalsooni Yurub dhexdeedda ah, kuwa isaga [Erdogan] ka soo horjeeda ayaa iyaguna qabanaya dibadbaxyo inta aanay soo gabagaboobin dhacdooyinka ugu dambeeyaa, waxayse ka digeen isbadal yimaada kaasi oo horseed ka dhigaya xukun nin kaliya ah, iyadoo saadaashu tilmaamayso codbixin isku dhow.