Maamulka Cadaado oo beeniyay in xiisad colaadeed ay ka taagan tahay Garoonka Galkacyo

Guddoomiyaha Gobalka Mudug ee maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado Cabdirashiid Xaashi Cartan oo wareysi gaar ah maanta siiyay Warbaahinta dawlada Fadaraalka, ayaa faah faahin dheer ka bixiyay xaaladda amaan ee guud ahaan Gobalka Mudug, gaar ahaan magaalada Galkacyo ee xarunta Gobalka, waxaana uu sheegay in xaaladda Nabadgelyo ee magaalada Gaalkacyo ay tahay mid aad u wanaagsan isla markaana Ciidamada Amaanka iyo shacabk ay si wadajir ah isaga kaashadaan sidii loo adkeyn lahaa amniga magaalada.

Guddoomiye Cartan dhanka kale waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in laga been sheego xaaladda magaalada Gaalkacyo, isla markaana ay wax kama jiraan yihiin warar lagu baahiyay 48dii saac ee u danbeysay baraha bulshada, kuwaasi oo lagu sheegay in xiisado coladeed ay ka jiraan magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiye Cartan,ayaa xusay in ay jiraan shaqsiyaad doonaya inay warar been abuur ah ka faafiyaan magaalada, kuwaasi oo uu sheegay inay gacan bir ah ku qaban doonaan.