Maraykanka oo shaaciyay tirada dagaalyahanada ka tirsan Alshabaab ee u dilay

Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA ayaa shaacisay in ka badan 100 Dagaalyahano Alshabaab ah lagu dilay Duqeyn ay geysteen Diyaaradaha Maraykanka ka geysteen Koonfurta Somalia.

Wakaalladda ayaa ka so oxigatay Saraakiil iyo Dadka Deegaanka in Duqeyntaasi oo dhacday Waaberigii hore ee shalay  ay Diyaaradaha beegsadeen Fariisimo ay Alshabaab ku lahaayeen Deegaanadda War-gaduud iyo Ceel-cade oo ah goobntii ay Alshabaab in ka badan 180 Askar Kenyan ah ku dileen bishii January 15-dii ee sannadkii hore.

Sarkaal ka tirsan Ciiddanka Dowladda oo la hadlay Wakaalladda Wararka ee XINHUA ayaa sheegay in Weeraradaasi lagu dilay 20 Taliyayaal Alshabaab iyo Ku-dhawaad 85-Dagaalyahan, waa sida uu hadalka u dhigay Sarkaalkaasi oo aan magaciisa la shaacinin.

Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya hadalka Sarkaalkaasi ku sheegay in Duqeyntaasi lagu dilay in ka badan 100-Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab.

Duqeyntan ayaa timid, kadib, markii ay Saraakiisha Maraykanka xaqiijiyeen inay Ciiddamo cusub u soo daabuleen Somalia ei ay Tababar iyo Qalab u siiyaan Ciiddanka DFS iyo kuwa Hawlgalka AMISOM ee dagaalka kula jira Alshabaab.

Ciiddanka Maraykanka ayaa la sheegay inay Somalia joogi doonaan ilaa dabayaaqadda bisha September ee sannadkan, sida laga soo xigtay Saraakiil Marykan ah.

Maraykanka wxaa horey Somalia uga joogay Ciidamo Khaas ah oo tiradoodu dhan thy ku-dhawad 50-Askari, kuwasi oo La-taliyyaal iyo Taageero siiya Ciiddanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ee la dagaalamyo Alshabaab.

Dagaalka Alshabaab iyo AMISOM ayaa waxa uu galay sannadkiisa 10-aad, iyadoo aan weli Alshabaab loo ital-sheegnin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan iclaamiyey Dagaal ka dhan ah Alshabab, wuxuuna sheegay inay muddo 2-sanno kaga guuleysan doonaan Alshabaab.

Xigasho: XINHUA