Video:-Ciidamada amaanka muqdisho oo toogtay laba nin oo hoobiyaal tuurayay

Ciidammada  Nabad Sugidda ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta toogasho ku dilay labo nin oo madaafiic ka ridday degmada Wadajir, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka.

Labada Nin ee la toogtay ayaa la sheegay in mid ka mid ah uu isku dayay inuu ciidanka iska caabbiyo kaddibna uu galay Guri ku yaalla degmadaasi Wadajir, iyadoo markii danbe ay toogteen Askartu.

Saraakiisha Ammaanka ayaa sidoo kale sheegay in gaari ay wateen raggaan oo ay ku xirnaayeen walxaha Qarxa  ay ciidamadu  qabteen hayeeshee markii danbe uu qarxay gaarigaas.

Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa sheegay in shacabka ay la shaqeeyeen ciidanka ammaanka taas oo suurta gal ka dhigtay in laga hortago maleeshiyadkan caadaysatay inay shacabka Soomaaliyeed  dhibaato u gaystaan.

Xalay ayay ahayd markii ciidammada ammaanka ay degmada Xamar Jajab ku qabteen labo nin oo qaf shacab ah ku dilay degmadaas, waxaana muuqata in ciidammada ammaanka ay haatan xil wayn iska saareen sugidda ammaanka Muqdisho,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka