Video:-Madaxda Qaranka iyo gudiga abaaraha ee heer Qaran oo kulan yeeshay maanta

Gudiga gurmadka abaaraha ee heer qaran ayaa maanta la wadaagay waxii uqabsoomay ,Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka iyo Madaxda  dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka.

 Shiikh Nuur Baaruud oo ku hadlayay magaca Guddiga gurmadka abaaraha ayaa tilmaamay in muddadii saddexda bilood ee guddiga shaqeynayay lacagihii ay qabteen badan keeda ay gaarsiiyeen dadka dhibaataysay, wuxuna si gaar ah mahad uga celiyey cid walba oo gacan ka geystay gurmadka.

Madaxweyne Gaas oo oo kamid ahaa masuuliyiinta goobta ka hadlay ,ayaa ku ammaanay Guddiga gacanta ku haya gurmadka Abaaraha sida ay u dhawrayaan ammaanada loo dhiibay, waxayna sheegeen in loo baahan yahay guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay isku tashadaan si looga maarmo kaalmo shisheeye.

 

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay muujiyeen isku tashi, isagoo tilmaamay in gurmadkani uu ka tarjumayo soo noqoshada kalsoonidii ay isku qabeen bulshada Soomaaliyeed.

“Si looga tabaabusheysto inay soo laabtaan abaaraha, xukuumadu waxay abuuri doontaa mashruucyo lagu horumarinayo beeraha iyo wax soo saarka, sidoo kalena waxay sameyn doontaa biyo xireenno, si looga faa’iideysto xilliga jiilaalka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyrre oo ka hadlayay markii uu soo dhamaaday kulanka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka