Video:-Madaxweyne Sh.Shaakir oo soo gaaray Muqdisho iyo wada hadaladii oo bilaabanaya

Madaxweynaha Maamulka Gobollada dhexe ee ay tagaeeraan culumada Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta yimid magaalada Muqdisho.

Wafddiga Shiikh Maxamed Shaakir ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Baarlamanka Maamulka gobollada dhexe Saadaq Shiikh Yuusuf, Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaasi Xasan Gaboobe iyo xubno kale.

Wafdiga waxaa Garoonka Dayuuradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarx Juxa.

Sheekh Maxamed Shaakir waxaa la filayaa inuu Muqdisho uga qeyb galo shir lagu mideynayo Maamullada Gobolada dhexe, ka hor doorashada Madaxweynaha Goboladaas ee la qorsheeyay in ay dhacdo 30-ka Bishan April.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado  iyo wafdi uu horkacayo ayaa isna ku sugan Muqdisho isagoo ka qeyb galaya shir dowlada federaalka iyo madaxda dowlad goboleedyada ku leeyihiin Muqdisho,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka