Shiikh Aduunyo oo maanta loo dhaariyay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Puntland

Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta Puntland Cabdiraisaaq Shiikh Aduunyo ee uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Gaas,ayaa maanta lagu dhaariyay xafiiska madaxweyne xigeenka Puntland ee garowe.
 
Cabdirisaaq Shiikh Aduunyo ayaa ah saxafi mudo badan saxaafada kusoo jiray ,waxaan rajo badn laga qabaa in uu isbadal muuqda kusameeyo wasaaradan muhiimka u ah dalka iyo dadka.
 
Wasaarada warfaafinta Puntland ayaan idhowaale lahayn wax wasiir ah tan iyo intii uu jagadaa iska casilay wasiir soocade.