Video:-68-caruur ah oo ku dhintay qarax bam oo ka dhacay Siiriya

Ugu yaraan 68 carruur ah ayaa ka mid ah 126 ruux oo ku dhintay qarax bam oo Sabtidii lagu bartilmaameedsaday basas waday dad laga soo daad gureeyay magaalooyinka go’doonsan ee Suuriya, sida ay sheegeen dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha.

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu dhuftay kolonyo maraysay agagaarka Xalab.

Qolyaha la socda xuquuqda aadanaha Suuriya oo fadhigoodu yahay UK ayaa sheegay in ay dhinteen 109 ruux oo ka mid ah dadkii laga soo daadgureeyay magaalooyinka ay dawladdu haysato, waxaana weheliyay oo iyagana dhintay shaqaale gargaar iyo askarta jabhadaha.

Dad kale oo badan ayaa weerarkaas ku dhaawacmay, sida ay sheegtay kooxdaas xuquuqda aadanaha la socota.

Qaraxa ayaa burburiyay basas, dabna qabadsiiyay gawaadhi kale.hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka