Video:-G.doorashada”Natiijada aftidii doorashada ee madaxweynaha Turkiga awoodaha cusub siinaysa waa sharci”

Natiijada aftidii doorashada ee madaxweynaha Turkiga awoodaha cusub siinaysa waa sharci, sida uu sheegay gudoomiyaha gudiga doorashada ee dalkaas.

Sadi Guven ayaa hadalkan sheegay ka dib markii xisbiga CHP ee mucaaradka ugu wayn uu sheegay in wax isdabo marin ay ka jirtay habka tirinta ayna ka mid tahay in la adeegsaday waraaqo aan la shaambadaynin.

Xisbiga madaxweyne Erdogan ayaa helay 51.37% halka garabka mucaaradkuna ay ka heleen boqolkiiba 48.63 guud ahaan codadkii la dhiibtay.

Saddexda magaalo ee ugu waawayn dalka Turkiga ee Istanbul, Ankara iyo Izmir ayaa Maya u codeeyay oo diiday in isbadal lagu sameeyo dastuurka,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka