Video:-Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Africa oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha CAF Ahmed Ahmed oo u dhashay dalka Madagascar oo dhowaana si layaab ah leh uga guuleystay Madaxweynihii xilkan mudada hayay Isse Hayatu, kaddib doorasho dhacday,ayaa maanta soo gaaray magaalada muqdisho.

Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Wasiirka Dhalinyarada iyo isboortiga Khadiija Maxamed Diiriye, Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha cusub ee CAF ayaa lagu wadaa inuu booqdo xarumaha ciyaaraha ee ku yaalla Muqdisho, si uu u dhiira geliyo ciyaaraha Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale la filayaa inuu balan-qaad u sameeyo horumarinta kubadda cagta Soomaaliya oo ah mid aad u hooseysa, bur burkii dowladdii dhexe kaddib.

Xiriirka Soomaaliyeed ayaa ka mid ahaa xiriiradii dooratay Madaxweynaha cusub ee CAF Mr Ahmed Ahmed.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka