Madaxweyne Gaas iyo waftigisii oo dib ugu soo laabtay Puntland

Madaxweyne Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa goor dhawayd dib ugu soo laabtay magaalada Gaalkacyo.
 
Madaxweynaha iyo waftigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf kusoo dhaweeyay wasiiro ka tirsan dawlada dhexe,maamulka Gobolka mudug iyo shacabka qaybihiisa kala duwan.
 
Waftiga Madaxweynaha ayaa hada loo galbiyay Qasriga madaxtooyada ee Galkacyo.
 
Madaxweyne Gaas iyo waftigiisa ayaa maalmahan ku sugnaa Muqdisho,iyagoo kaga qaybgalay shir socday labo maalmood oo ay halkaas ku yeesheen madaxda dawlada fadaraalka iyo kuw adawladaha xubnaha ka dawlada fadaraalka ah,kaasoo shalay lasoo gabagabeeyay lagana soo saaray warmurtiyeed ay ku midaysan yihiin madaxda somalidu.
 
Dhanka kale Madaxweyne Gaas ayaa intuu uu joogay Muqdisho waxuu kulamo la qaatay diblomaasiyiinta beesha caalamka u fadhida muqdisho,kuwaasoo ay kawada hadleen arimo ay ugu muhiimsanayeen doorka beesha caalamka ee gurmadka abaarta,amniga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.