Video:-Trump oo taageeray guushii Erdogan una hanbalyeeyay

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ugu hanbalyeeyay guushii uu ka gaaray aftidii Axaddii, taasi oo siinaysa awoodo cusub.

Madaxwayne Trump oo qadka taleefoonka kula hadlay Erdogan ayaa wuxuu sidoo kale uga mahad celiyay taageeradii ay turkiga taageereen weerarkii gantaalada ee ay Mareykanka ku qaadeen saldhigyo ay dawlada Suuriya leedahay .

Bayaan ka soo baxay Aqalka Cad Isniintii, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Trump uu kala hadlay dhigiisa Turkiga tilaabadii ay Maraykanka uga jawaabeen hubkii kimikada ahaa ee la sheegay in ay isticmaashay xukuuumada Suuriya 4 Abriil.

Bayaanka ayaa lagu yiri ” labada hogaamiye waxa ay isku raaceen muhimada ay leedahay in lala xisaabtamo madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad “.,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka