Biyo-xireen laga hirgaliyay duleedka magaalada Hargaysa

DCIM100MEDIADJI_0026.JPG

Xubno ka mid ah wasiirada Somaliland ayaa furay biyo-xireen cusub oo laga hirgaliyay duleedka magaalada Hargeysa kaas oo ay dhismahiisa fulisay Hay’adda Khaliifa ee laga leeyahay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Biyexireenkan ayaa waxaa ujeedadiisu tahay sidii loo kobcin lahaa biyo yarida ka jirta magaalada Hargaysa iyo hoos u dhaca Biyaha xilliyada abaaraha ee ay roob yaridu jirto.

 

 

Bedka Biya xireenkan waxaa uu la egyahay 150 Mitir halka dherarkiisu uu yahay 11 Mitir,waxaana uu keydin karaa Biyo dhan 350,000 Cubic Mitir.
Dhismaha mashruucan ayaa waxaa uu qaatay 13 bilood sida uu sheegay mas’uul katirsan Hay’adda Khaliifa, waxa ii intaas ku daray in mashruucaas uu horudhac u yahay mashaariic badan oo dowladda Imaaraadka Carabta ka fulineyso Soomaaliya.
Biyo xireenkan oo loogu magac daray (Xumbo-weyne) waxaa xariga ka jaray wasiirka arrimaha dibadda Somaliland iyo wafdi ka socday Hay’adda Khaliifa.
Biyo xireenkan ayaa noqonaya kii ugu balaarnaa oo laga hirgaliyo guud ahaan Somaliya 26-kii sano ee u danbeeyay,waxuuna wax weyn ka tari doona biyo yarida ka jirta guud ahaan Somaliland,gaar ahaan magaalada caaismada ah ee hargaysa.
Xaafado badan oo ku tirsan magaalada Hargaysa ayaysan ku jirin guryahooda  biyo galin,waxayna shacabku ka helaan biyaha nadiifka ah booyado kasoo dhaamiya ceelal ku yaal daafaha magaalada..

DCIM100MEDIADJI_0026.JPG