Dhagarta Faraska [Sheeko Gaaban],WQ.Maxamed C. Xasan ”Alto”

Dhagarta Faraska

[Sheeko Gaaban]

Faras ayaa duur cidlo ah, maalin maalmaha ka mid ah, calaf iyo nasiib, ka heley nirig ay uubato markaas dishay. Durbadiiba salaafnimo u qalay, raran iyo dab saarsaaray, jarjaray hilbaheedii oo bislaysay.

Muddo intii aanu fadhiyinnin, ayaa Wiyil u timid.

Kute, ”Farasow, nabad ma sheegtey?”

”Belo ma sheeginnin, barwaaqo ayaan ku jiraa,” ayuu ku warceliyey.

”Saaxiib waannu is naqaanne, sidee bay kuugu suuraggashay in nirig aad dilato?” Irkig iyo amakaag ayay Wiyishii la noqotay sida Farasku geesinnimada iyo awoodda intaas le’eg oo caynkaas ah uu ku heley.

Kuye, ”Allah, sahal weeye!  Nirig, duleedka degsiimada  geed laamihiisa caleemaha daaqaysa, ayaan inta u xamaartay, muddo u seexdey, isu suuxshey oo kolkaan ku dhowaaday dhawaaq qaylo ah kula dheereeystey, dabadeed dhulka ayay ku dhacday oo dhimatay.”

”Gacaliye, anna doorkayga ugaarsadee,” Wiyishii ayaa baryootantay, ”I bar khiddadda oo wax iiga bidhaami!”

”Gacaliso, dhabbaco oo bogga iyo addimmada ku gurguuro kol allaale iyo kolkaad nirig kob durugsan oo kaa fog ka aragto,” Faras ayaa u fasiray. ”Ka gadaale, markaad xoog ugu soo dhowaato, yeedh af labadiis! Sidaas ayaad neefka ku hannan kartaaye.”

”Hawraarsan,” ayay Wiyishii tiri, ”Imminka ayaan ugaarsi tegeyaa.”

Ugaar raadsasho bay u baxday. Dhowr tallaabo inteeyan socon ayay nirig aragtay. Si aayar ah ayay dhankii  neefku xigey ugu xamaaratay. Saacado badan ayay ku lumisay. Kolkay ku dhowaatay bay sawaxan iyo wirix isku dartay. Halkayse ka dhawraysay in nirigtu dhacdoo dhimato, durduro ayay dhabbaha saartay. Wiyishii, iyadoo fajacsan oo farammaran ayay Faraskii ku soo laabatay.

”Wiyileey, nirig ma soo dilatay?” Faraskii ayaa weyddiiyey.

”Maya, waxba ma soo dilannin. Ku qayshay qaylo hadday wax tarayso, nirigse faraha ii soo geli weydey.”

Kuye Faraskii, ”Heedhe, miyaad inta ay cararaysay u yeedhyeedhey?”

Sayte, ”Maya.”

”Alla doqonsanidaa! Ma nirig yar baadan dilan karinnin? `Istaag! Joogso!´ haddaad ku odhan lahayd, waxaan hubaa in dhulka ay ku dhici oo dhiman lahayd.”

Wiyishii iyadaaba lafaheedii la baqday, kolkii ay dhawaaqa iyo ereyada kulkulul ee Faraska maqashay. Iskaddaa neef iyo hilbo ay hesho’e, inta ay iskala fireeysey ayay  nafteedii la carartay.

”Belooy baydh!” ayay Wiyil tiri. ”Waa haddaan kol dambe, Farasow, war kaa dhuro ama dhegeysto. Dhadhammo aan helo dhaafe, anigii baaba qayladaadii dhimasho dhulka kula dhici gaaray.”

Helsinki, Finland, 30.11.2001

Xasan_maxamed@hotmail.com