Ra’isalwasaare Khayre oo kormeer kadis ah ku tagay Wasaarada Maaliyada

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale maanta kormeer kedis ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda, waxaana kormeerkan qeyb uu ka yahay kormeero Ra’iisul Wasaaruhu ku sameynayo xarumaha Wasaaraddaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u kuur galayay shaqada Wasaaradda Maaliyadda, maadaama Wasaaraddan ay tahay mida ku shaqada leh dhaqaalaha soo gala dowladda.

Waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha mid mid u booqday xafiisyada waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, isagoo agaasimayaasha ka wareysanayay sida shaqada u socdaan.

Sidoo kale waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha warbixin shaqada Wasaaradda ka dhageystay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa bilaabay kormeerka xafiisyada Wasaaraddaha, si uu u hubiyo shaqada ka socota, loona dar dar geliyo.

Tan iyo markii Ra’iisul Wasaaraha soo rogay amaro ku aadan waqtiyada shaqo ee Wasaaraddaha ayaa waxaa xarumaha wasaaradaha laga dareemay dar dar xaga shaqada iyo mashquul badan, iyadoo shaqaale aanay horay u xaadirin jirin wasaaradaha ay bilaabeen inay tagaan.