Video:-Baarlamaanka Fadaraalka oo maanta ka dooday Mooshinkii laga keenay saldhiga Berbera ee imaaraadka

Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta kullan ka yeeshay arrinta muranka badan dhalisay ee saldhigga milatari ee Imaaraadka Carabta ay ka dhisayaan magaalada Berbera.

Doodda ka dib ayaa xildhibaanada waxey dowladda ku wareejiyeen mooshinkii laga keenay saldhigga si ay faahfaahin uga bixiso eedaha ku qoran.

Arrintan ayaa sidoo kale imaneysa ayada dhowaan wafti uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya ay tageen dalka Imaaraadka Carabta, inkasta oo aan la ogeyn in labada dowlad ay ka wada-hadleen arrintan,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka