Video:-Ciidamada Maraykanka oo la sheegay in ay ujihaysteen dhanka Waqooyiga Kuuriya

Markabka qaado diyaaradaha dagaalka iyo mid ka ciidamada ee Mareykanka ayaa la sheegay in aysan aadin dhanica Kuuriyada Woqooyi.

Waxaa soo baxayo warar sheegaya in maraakiibtaasi dagaal ay aadeen dhinac kale oo ka duwan meeshii uu sheegay Donald Trump.

Ciidamada badda ee Mareykanka waxay sideedii bishan sheegeen in ay u jiheysteen dhanka gacanka Kuuriya, si Kuuriyada Woqooyi ay cadaadis u saaraan.

Isbuucii tagay, madaxweyne Trump wuxuu sheegay in ciidamadooda loo yaqaano ‘armada’ uu u diray Kuuriyda Woqooyi.

Laakiin Waxaa lagu warramayaa in maraakiibta dagaalka ee Mareykanka ay aadeen dhanka Sunda ee badweynta Hindiya.

Mareykanka hadda wuxuu sheegayaa in marka hore ay tababar la soo sameyn doonaan ciidamada Australia.

Militariga hadda waxay u sii socodaan dhanka Galbeedka badda Pacific-ga, sida lagu amray. Waxa sidaasi sheegay sarkaalka hogaaminayo.

Ma cadda in ay ulakac tahay ama khiyaano tahay in Mareykanka uu ka soo noqdo jihada North Korea.

Waxay noqon kartaa in ujeedada ay ahayd in la cabsi geliyo hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-un.

Sidoo kale waxaa lagu tilmaami karaa isfahan la’aan dhexmartay ciidamada Mareykanka iyo Madaxweynahooda, sida uu sheegay weriyaha BBC ee Korea, Stephen Evans.

Kuuriyada Woqooyi iyo Mareykanka ayay dood kulul dhexmartay dhowaan, sidoo kale dhaqdhaqaaqa ciidamada Mareykanka ayaa sare u qaaday shakiga ah in Mareykanka uu doonayo in uu dagaal billaabo.

Dhanka North Korea, waxay bilowday diyaarinta ciidamadeeda, waxayna sameeyeen dhoolatus ay ku soo bandhigeen awoodooda ciidan iyo midda hubka.

Waxay sidoo kale North Korea tijaabisay gantaal, taas oo u muuqatay in ay ugu jawaabeyso Mareykanka.

Talaadadii, Mareykanka wuxuu Kuuriyada Woqooyi ku eedeeyay iskudey ah “in colaad ay billaabato”, ayadoo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka James Mattis uu tijaabada gantaalada ku sheegay mid taxadar la’aan ah.

Wuxuu Mattis sheegay in Mareykanka uu si dhow Shiinaha ugala shaqeynayo tallaabada laga qaadayo Kuuriyada Woqooyi.

Maamulka Pyongyang wuxuu sheegay in isbuuc kaste uu hal gantaal tijaabindoono, wuxuuna ku hanjabay “dagaal aan waxba la isula hari”, haddii Mareykanka uu duullaan qaado.

“Haddii Mareykanka uu qorsheynayo duullaan militari, waxaan uga jawaabi doonnaa nukliyer”, ayuu yiri ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda ee North Korea, Han Song-ryol.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka