Video:-Trump oo Amray in Dib loo Eego Heshiiskii Iran

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku amray Golaha Amniga Qaranka inay dib u eegaan heshiiska caalamiga ah ee barnaamijka nuclear-ka Iran, iyo in hakinta cunaqabateynta la saaray dalkaas “ay muhiim u tahay danaha amniga qaran ee Mareykanka”.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Rex Tillerson ayaa dib u eegistan shaaca ka qaaday talaadadii markii uu la hadlay afhayeenka aqalka wakiilada Paul Ryan.

Tillerson ayaa sheegay in Iran ay u hoggaansameyso mas’uuliyadda ka saaran fulinta heshiiskii la gaaray 2015-kii, kadib wada-xajaoodyo ay la gashay Mareykanka, Britain, France, China, Russia iyo Germany.

“Si kastaba Iran weli waa dal argagixisada ku taageera meelo iyo habab badan” ayuu yiri Tillerson.

QM, Mareykanka iyo dalal kale ayaa horey Iran ugu soo rogay cunqabateyn dhaqaale, oo looga gol lahaa in lagu qasbo inay ka tanaasusho barnaamijkeeda nuclear-ka,hoos ka daawo muuqaalka

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka