Diyaradihii jaadka keeni jiray magaalada Muqdisho oo loo weeciyay Jowhar

Markii ugu horeysay 7 Sano kadib ayaa Magaalada Muqdisho qaad waxaa looga keenayaa Garoon aan aheyn Aadan Cadde tan iyo markii la xeray Garoonkii NO: 50 oo ay kasoo wareegatay 7 Sano.

Dhowr diyaaradood oo wada qaad ayaa saakay ka degey Garoonka Magaalada jowhar sida ay KNN u xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta Garoonka Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Diyaaradahan ayaa ahaa kuwii subax walba ka degi jiray garoonka diyaaradaha Muqdisho, ganacsatada qaadka ayaa qaatay go’aan adag oo ah in aysan qaad ka dejin garoonka diyaaradaha Muqdisho, kadib markii canshuuro dheeraad lagu kordhiyay.

Baabuur fara badan ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha Jowhar, kuwaasoo diyaar u ah inay qaadka u soo qaadaan Muqdisho oo safar dhanka dhulka ah ku geeyaan, taasoo noqoneysa markii u horeysay muddo 7 sanno ah oo qaadka safar dhulka lagu geeyo, tan iyo xiritaankii garoonka diyaaradaha ee Nambar 50.

Dhanka kale waxaa jira warar sheegaya in ujeedada qaadka loogu leexiyay Jowhar ay tahay qorshe laga danbeeyo oo looga gol leeyahay sidii il dhaqaale loogu abuuri lahaa maamulka Hir-Shabelle.

Inta badan Diyaaradaha Jaadka keena Muqdisho ayaa la sheegay in uu iska leeyahay Xildhibaan Cadow Cali Gees oo horey isugu soo sharaxy xilka Madaxweynaha, waxaana Xildhibaanka iyo Madax katirsan Hirshabelle waayadan wadeen qorshe Diyaaradaha Jaadka loogu wareejinayo Garoonka Cisaley oo dib loo howl galinayo