Madaxweynaha Hir-Shabelle iyo Talyaha Ciidamada AMISOM oo gaaray Buulberde

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble iyo taliyaha ciidamada Amisom ee dalka Jabuti ayaa goor dhow gaaray magaalada Buuloburte ee gobolka Hiiraan.

Ujeedada booqashada mas’uuliyiintan ee magaalada Buuloburte ayaa lagu sheegay inay la xiriirto dil shalay loo geystey mid kamid ah ciidamada AMISOM ee dalka Jabuti ee ka howlgala magaalada Buuloburte.

Dilka askarigan oo ka dhalisay xiisad magaalada Buuloburte ayaan jirin illaa iyo hadda cid loo qabtay,waxayna wararka ka imanaya magaalada Buuloburte ay sheegayaan in haatan ay socdaan kulamo albaabada loo xirtey.

Sidoo kale waxaa magaalada Buuloburte saakay gaaray guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada.

Ciidamada nabadilaalinta AMISOM ee ka socda dalka Jabuti ayaa waxaa ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Hiiraan.